Ministries

 

Hargaysa Feebraayp 14, 2016 Gollaha Wasiirada ayaa si lama filaan ah loogu sameeyay isku shandheyn taasoo saameyn ku yeelatay Wasiiro kala duwan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sameeyay isku Shaandheyn ku aadan qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda, kadib Bayaan xalay goor dambe ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu xilkii ka qaaday Wasiirkii Ganacsiga Muuse Qaasim, Wasiir ku-xigeenkii Xiriirka Golayaasha Mowliid Maxamed, Maareeyihii guud ee Wakaaladda madbacadda qaranka Cabdillaahi Carey, iyo gudoomiyihii Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide, waxaana xilalkaasi loo magacaabay mas’uuliyiin cusub.

Bayaanka uu Madaxweynaha soo saaray, ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay in isbedel lagu sameeyay qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda.

Wasiirkii Warfaafinta Cabdillahi Cukuse waxaa laga dhigay wasiirka xanaanada xoolaha, halka wasiirka cusub ee Warfaafintu uu noqday Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo hore u ahaa wasiirka duulista hawada.

Wasiirkii hore ee xanaanada xoolahana Cumar Maxamed Faarax waxaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda duulista hawada.

Akhriso Liiska Magacyada

wasiirada